CAQABADAHA NOLOSHA WAA KUWO LAGA GUDBO
Caqabad walba waxay leedahay waddo looga gud:
Maqaalkan gaaban waxaan ugu hadli doonna haddu ilaahay ogolaado, kalmado ku saabsan nolosha iyo caqabada la kulanno inta ku jirno geeddi socodka nolosheena.
Xalinta caqabadaha nolosha iyo sida aan ula tacaalno?
Ugu horreyn aad baan ugu kala duwannahay sida qof walba ula tacaalo duruufihiisa marka ay la soo gudboonaadan xaalado adag ee nolosha, balse waxa kala duwan kartideena, qaar baa helikaraan hal fudud oo ku xalin karaan baahiyahooda halka kuwo kalena ay aad ugu adag tahay.
"Xalka wuxu yimaadaa marka caqabad timaado"
Qof walba oo inaga mid ah wuxuu la kulmaya maalin walba caqabad ha ahaato mid nafsiyan u haysato mise ha ahaato mid jismiyaan u haysato, tusaale marka aan la kulano caqabad waxa aan raadinaa xalka ugu fufud ee aan ku xalin karno caqabadda, taa agsigeeda marka aan barwaaqo helno waxaan sameynaa wax walba oo nafteena ku raaxaysato inagoon u fiirineyn waxa bannaan iyo waxa aan bannaanayn.