MAXAAN UGU GUULEYSANAYN XIRIIR KASTA OO JACEYL AAN SAMEEYO?

MAXAAN UGU GUULEYSANAYN XIRIIR KASTA OO JACEYL AAN SAMEEYO?


Mowduuceena maanta aad bu u xiiso badan yahay,
Waxaa soo badanaya marba marka ka dambeyso maadeeysyada ama si kale haddaan u dhigo jaceylka macmalka ah.

Wixii ka dambeeyey 2017 ama 18kii, jaceylka wuxuu u muuqanaya mid niyad jab badan ay kala kulmaan dhalanyarada, qaarba ka quustay in xitaa ay ku aaminaan naftooda qof ama iska diidaan ba qof iga jeclaaday iyagoo guul darro badan ay kala kulmeen xiriiro badan ay horey u soo sameeyeen.

Qofka aad noloshaada ku aaminayso waa qof dadka kale kaaga duwan, oo aadan jaclaan lahayn inaad ku aragto isaga ama iyada oo xumaan ku dhex jirta.

Wax walba nidaam ama process baa loogu tala galay inay maraan ama ay ku socdaan, Allaah SWT marku doonay inuu adi ku abuuro, wuxuu awooday isla markaasba in uu ku abuuro balse ma doonin, wuxuu qadaray in hooyada iyo abahaa ay is guursadaan, oo ay isu tagaan, dhowr habeen biyo rixim ku jira aad ahaatid, dhowr habeen kale dhiig ahaatid, dhowr habeen cad hilib ahaatid, sagaal bilood xadba marxal lagu soo marsiinayey riximka hooyada adoo ku jira deedna Allaah SWT riximka hooyada kaa soo saaray, markii aad dhalatayna horey kuma hordine nimaad kale lugu marsiiyey jiif baa wax laga siinayey muddo, fadhi baa wax laga siinayey kadibna guurguurasho kadib istaag markaas kadib baad soctay.
Haddaba maxaan ula danleeyahay?
Jaceylku kuma yimaado hal maalin ama laba maalin oo lawada kulmay, marka laba qof ay doonaan in noloshu ay isla wadaagaan waxa jira nidaam ama process ay ku gaari karaan jaceylka dhabta:

1. Is aragga:
Qaladka ugu badan ay sameeyaan qaar ka mid ah dhallanyarada siba wakhtigaan hadda aan joogno in qacda hore uu ka helo isaga ama iyada lambarradu ay lakala qortaan deedna lakala dhaqaaqo, wax walba aragtida koowaad way dhici karta in wax wanaagsan uu kula muuqdo background kiisa aan wanaagsanayn, si taa la mid ahna way dhaci karta in qofka qacda hore aadan ka helin balse uu wanaagsan yahay.

Is araggu waa meesha ugu horreysa uu qofka kugu soo dhawaan lahaa amuu kaaga durki lahaa, haddaba qofka aad dooranayso oo aad target ka dhinganayso ogow inuu yahay qof noloshada oo dhami aad u dhibatay.

2. Wada hadlidda:
Hadalkuna ma yimaado iyadoo aan la is arag qodobkii aan horey ugu hadalnay, haddaba marka aan leeyahay wada hadliddu is arag baa ka horreeya ulama jeedo in la isla hadli karaynin iyadoon la is arag, imisa qof baad maalintii la hadlaysa marka aad joogto shaqada ama iskuulka,
Imisa qof baad habeen iyo maalin telefoon kula hadlaysa, haddaba ula jeedkaygu wuxu yahay, qaar badan oo naga mid ah baa waxay u haystaan in nolosha oo dhan telefoon lagu dhisi karo caawa oo dhan buu call ku dhafray bal waxaa u sii dheerba in qarash kaleba laga sii qaado iyadoon si fiican la isu baran oo sheekada malab iyo sokor loogu daro dhowr maalin kadibna xidhiidhka loo jaro.

3. Isbarashada:
Qofka aad xidhiidhka la leedahay muddo intee le'eg baad aqoon u leedahay?
Maxay tahay sababta aan wakhtigaan xidhiidh u sameynayo?
waa muhiim inaad taqaan sababta aad xidhiidh u samaynayso, dadka qaar baad la yaabaysa 4 sano iyo ka sii badanba ay xidhiidh lawadaagan qof haddana aysan garanayn midka daacadda ah illaa ugu dambeyn uu tuhmo midba midka kale sidaasna lagu dhaqaaqo, haddaba maxay tahay sababta looga kala tagayo xidhiidh 4 sano iyo ka badan socday? sababtu waxay tahay inaanay si fiican la isu aqoon oo dano gaar ah iyo waxyaabo kale ay isu keenatay labada qof deedna midkood u jaro xidhiidhka kan kale.

4. Is fahanka:
Xidhiidhku wuxuu macno yeelanaya marka si joogto ay isu fahmaan ama isu fahansan yihiin labada qof iyo ujeedada ay doonayaan in noloshu u wadaagaan, run ahaanti sida aan anigu is leeyahay ma jiro qof u jeedo la'aan wax u qabanayo ama u sameynayo, haddaan tusaale fudud u soo qaadano Allaah SWT ujeedka uu inoo abuuray qof walba inaga mid ahi wuu garanaya {وَمَاخَلَقْتُ الجِّنَّ وَالإِنْسَ إِلَّالِيَعْبُدُونِ}
Ujeedka Rabbi u abuuray jiniga iyo insiga waa inay keligiisa caabudaan, makhluuq kasta koonkan ku dhex jirana Allaah SWT xikmad buu abuuray iyo inay addoomadu fahmaan in Allaah jiro wax walbana kari kara, haddaba marka labada qof xidhiidhka ka dhexeeyo si fiican ay isu fahamsan yihiin oo mid walbana ogyahay in midba midka kale uu noloshiisa ku jirto un baa xidhiidhkoodu guuleysanaya.

5. Wada sheekeysiga:
Mar haddii la is bartay oo la isfahmay maxa xigaya in la wada sheekeysto, kuwa qaar baa jira gabar walba iska daba soconayan iyagoo aqoon u lahayn gabadha, mararka baa dhacaysa sida ay ugu dhagan yihiin inanta markay iska celin waydo, deg deg lambarka loogu sheego deedna wuu iska hadhaya.
Midda aan anigu ka hadlaya maaha sheekada iska caadiga ah way dhex mari karta dad meel wada joogo ama kala maqan ganacsi iyo heshiis bay isugu iman karaan.





. footer design

Mogadisho

CAQABADAHA NOLOSHA WAA KUWO LAGA GUDBO

QISADII XAJAAJ BIN YUUSUF AL-THAQAFI

50 KA MID XIKMADAHA DHIFKA IYO NAADIRKA AH EE UGU MUHIIMSAN NOLOSHA